Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga yurub oo lacag ugu deeqay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Midowga Yurub ayaa 20 milyan oo Dollar ugu deeqay wadamada Somalia, Sudan iyo Sudan Koonfureed, taas oo la doonayo in wax loogu qabto dhibaatooyinka cudurka faafa Coronavirus, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan qeybta gargaarka deg-degga ah.

Lacagtaasi ayaa qeyb ka noqon doonto boqolaal milyan oo Dollar oo ay horey Midowga Afrika ugu tala-galeen ka soo kabsashada dhaqaallo darada ka dhalatay cudurkaasi.

Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub ayaa xusay in lacagtaasi loogu tala-galay in lagu taagaro dad gaaraya 4.8 milyan oo ruux oo ku nool wadamada geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu uu intaasi ku daray in lacagtaasi si gaar ah wax loogu qaban doono dadka barakacayaasha, qaxootiyada iyo weliba dadka ay dul-saarka ku yihiin.

Lix milyan oo ka mid ah deeqdaasi ayaa loo weecin doonaa dalka Soomaaliya, si wax loogu qabto caqabadaha cudurka halista ah ee Coronavirus.

Ururka caafimaadka adduunka WHO oo kaashaneysa urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in ay si gaar ah u maamuli doonto howshaasi iyo weliba lacagaha deeqda ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu sii wadi doono taageerada uu siiyo qaar ka mid ah wadamada ku yaalla geeska Afrika oo ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo xaga nolosha ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this