Sign in to follow this  
Deeq A.

Jadwalka doorashada madaxweynaha HirShabelle oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada iyo waqtiga ay dhaceyso.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddiga D ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharixiinta ay bilaabaneyso 8-da illaa iyo 9 bishaan November, sidoo kalena khudbadaha musharraxiinta la dhageysan doono 10-ka bisha November ee sanadkan.

Sidoo kale guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay dhici doonto 11-ka bishaan oo ku beegan Arbacada soo socota.

s

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this