Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Ansixiyey Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboledka Hirshabelle ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaay ku yeeshay xaruntooda magaalada Jowhar, waxaana uu ahaa kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ee Baarlamanka Hirshabelle.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakim luqmaan Xaaji, ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Ugu dambeyntii xildhibaanada golaha wakiillada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa ansixiyey Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Jowhar.
Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa waxaa horyaalla jadwaleynta doorashada, waxaana laga sugayaa waqtiyada soo aadan in ay ku dhawaaqaan jadwalka doorashada madxtinimada.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this