Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo u duulay Jabuuti & sababta ka dambeysa safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta u safray dalka Jabuuti, waxaana faah-faahin yar laga bixiyay ujeedka safarkiisa.

Ilo ku dhaw Sheikh Shariif ayaa Caasimadda Online u sheegay in safarkiisa uu ku qotomo kulamo uu halkaas kula yeelanayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo masuuliyiin kale oo aan la magacaabin.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Shariif Sheekh Axmed wuxuu laba jeer tagay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle halkaas uu kulamo kula yeeshay masuuliyiin halkaas kasoo jeeda iyo odayaasha dhaqanka, iyadoo wali lagu jiro arrimaha doorashooyinka maamulka.

Safarka Sheikh Sharifi ee Jabuuti wuxuu ku saabsan yahay arrimo la xiriira ololahiisa doorashada, waxaana la xasuustaa in xukuumadii kumeel gaarka aheyd uu madaxda ka ahaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2012 lagu soo doortay dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti wuxuu markaas martigaliyay wada-hadaladii u dhaxeeyay dowladii uu hogaanka u hayay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo isbaheysigii ARS, waxaana halakas ka dhashay in la dhiso dowlad Midnimo Qaran oo ay labada dhinac ku mideysan yahiin Baarlamaanka.

Musharaixinta xilka madaxtinimada Soomaaliya waxey inta badan ololahoosa ka wadaan dalalka dibadda iyo wadamada saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, waxeyna doonayaan iney taageero buuxda u helaan ololaha ay ku doonayaan iney Soomaaliya uga taliyaan afarta sano ee soo socota.

The post Sheekh Shariif oo u duulay Jabuuti & sababta ka dambeysa safarkiisa first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this