Deeq A. Posted November 7, 2020 (SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa lagu warramayaa inay xidhiidh la yeelaneyso Somaliland, xilli Yahuudda ay ballaadhinayaan xidhiidhada ay la yeelanayaan dalalka Islaamka ah ee gobolka. Wasiirka Sirdoonka Israa’iil Eli Cohen ayaa wareysi uu bixiyey dhowaan ku sheegay inay heshiis nabadeed la galayaan laba dal oo mid ka mid ah uu ku yaallo gobolka Geeska Afrika. “Heshiiska Israa’iil iyo Sudan ayaa dhowaan la saxeexayaa, waxaana xiga doona dal kale oo ku yaalla Geeska Afrika,” ayuu Eli Cohen u sheegay raadiyaha ciidamada Israa’iil. Warbaahinta Israa’iil qaarkood ayaa ku macneeyey inuu ula jeedo dalka Somaliland. Hadalka Eli Cohen ayaa imanaya iyada oo Somaliland ay dadaal xooggan ugu jirto inay xidhiidh la sameysato Yahuudda, ayada oo rumeysan in taasi ay ka saacidi karto inay hesho aqoonsiga ay muddada ku dhow 30-ka sanno baadi goobeyso. Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Somaliland ayaa hore u weydiistay xukuumadda inay aqoonsato jiritaanka Israa’iil, ayna xidhiidh la yeelato xukuumadda Tel Aviv. Ergeyga Somaliland ee Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa sidoo kale taageeray xidhiidhada ay Israa’iil, oo uu ugu yeedhay dal, la sameysaneyo dalalka gobolka sida Imaaraadka Carabta iyo Sudan, sida ay Somalilandtoday hore u baahisay “Dad nabad jecel ahaan, waxaan taageereynaa heshiisyada taariikhigi ah ee Imaaraadka iyo Israa’iil. Heshiiskan wuxuu tusaale u yahay isbaheysiga dalalka gobolka ee xiiseynaya xasiloonida iyo wada-shaqeynta gobolka,” ayuu yidhi Source Share this post Link to post Share on other sites