Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo dalkeeda ka mastaafurineysa 16 Sarkaal oo Itoobiyaan ah+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Jabuuti oo dalkeeda ka mastaafurineysa 16 Sarkaal oo Itoobiyaan ah
2020116637402545481907191.jpg

Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida la sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga.

Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Jabuuti 16 kan Askari oo ay ka mid yihiin Korneelo iyo Taliyayaal ayaa waxaa qabtay ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaa oo ku u gudbiyay xarunta hay’adda sirdoonka si baadhitaan loogu sameeyo.Sida qorshuhu ahaa Askartan ayeey aheyd in laga masaafuriyo dalka Jabuuti Arbacadii toddobaadkan, si rasmi ahna looma oga in qorshahan uu dhaqan galay iyo in kale.

Tallaabadan ayaa timid iyada oo xaalad kacsanaan ah  ay ka jirto gobolka Ismaamulka Tigray-ga kaddib markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay howlgal militari.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this