Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo magacowday Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16046850929290873.jpg?resize=714%

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qooroor ayaa magacaabay Guddiga doorashooyin heer dowlad goboleed.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor oo lagu magacaabay Guddiga ayaa laga tix-raacay heshiiskii doorashooyinka ee madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada gareen 1-dii bishii hore ee October, kaas oo lagu go’aamiyay soo dhismaha guddiyada kala duwan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Guddigan oo labo xubnood haween yihiin ayaa ka shaqeyn doona doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo oo wadartoodq guud tahay 37 kursi.

Guddiga waxaa wehelin doona 3 xubnood oo ka iman doona federaalka, sida ku cad bayaankii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

FB_IMG_16046833656039464.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo magacowday Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this