Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Joe Biden oo la adkeeyay,ilaalada Aqalka Cad oo ammaankiisa la wareegay Maxaase soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ammaanka Joe Biden oo la adkeeyay,Maxaase soo kordhay?

jb.jpg

Waaxda ammaanka Mareykanka ayaa adkeyneysa ammaanka Joe Biden laga bilaabo maanta, iyadoo loo maleynayo inuu goor dhow ku dhawaaqi doono inuu doorashada ku guuleystay, sida uu qorayo wargeyska Washington Post.

Ammaanka ayaa la sugi doonaa, kaddib markii kooxdiisa ololaha ay ku wargeliyeen waaxda inuu khudbad jeedin doono gelinka hore ee maanta (xilliga Mareykanka).

Haweeney u hadashay waaxdaasi, Catherine Milhoan ayaa diidday inay ka hadasho arrintaas, iyadoo sheegtay inaysan waaxdu wax ammaanka khuseeyo kala hadlin saraakiil sare. Kalkaaliyeyaasha Biden sidoo kale kama aysan hadlin arrintaas.

Biden iyo kooxdiisa ololaha waxay ku sugan yihiin xarun ku taalla Wilmington, Delaware.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this