Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump & Biden:Keebaa ku horreeya Codadka Gobollada muhiimka ah ee weli ka socoto tirinta codadka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Yaa ku horreeya gobollada muhiimka ah ay weli ka socoto tirinta codadka?

Cidda ku guuleysan doonto doorashada madaxtinimada Mareykanka waxay ku xiran tahay natiijada kasoo baxda gobollada muhiimka ah ee harsan.

Weriyaha BBC-da ee waqooyiga Amerika Anthony Zurcher ayaa sharraxayaa waxyaabaha dhici karo mar haddii ay harsan yihiin gobolladan.

Section divider

GEORGIA- wuxuu heystaa 16 cod oo guusha horseeda (Codadka ergada gobollada)

Halkey wax marayaan: Natiijada gobolkan waxaa ku horreeyaa Trump inkasta oo uu kusoo dhaw yahay Biden.

Codadka hadda la tirinayo: Saraakiisha gudaha waxay sheegayaan in codadka hadda tirinta ay ku socota ay gaarayaan 15,000.

Natiijada gobolka Georgia
Natiijada gobolka Georgia

Halkan ayay ka imaanayaan codadkan: Codadkan waxay u badan yihiin kuwa lagu dhiibtay qaabka boostada, waxaana laga keenay intooda badan Atlanta iyo Savannah, halkaas oo ay ku xooggan yihiin Biden.

Faalada weriyaha: Waa natiijo si weyn looga dhuursugayo, Biden waxaa laga yabaa in uu gaaro Trump marka la eego natiijada gobolkan xilli laga war sugayo tirinta codadka kale.

Goormaa la heli karaa natiijada kama danbeysta ah: Saraakiisha waxay sheegeen in inta badan tirinta codadka gobolkan lasoo gabagabeeyay balse ay qaadan karto in la helo natiijada kama danbeysta ilaa galabnimada Khamiista.

Section divider

PENNSYLVANIA- Wuxuu heystaa 20 cod oo ah kuwa guusha horseeda (Codadka ergada)

Halkey wax marayaan: Gobolkan waxaa natiijada ku hogaaminayaa Trump inkasta oo ay si aad isugu dhaw yihiin.

Codadka weli la tirinayo: Xoghayaha arrimaha dibadda gobolkan wuxuu ku qiyaasay in codad gaarayo 550,000 weli la tirinayo inkasta oo ay harsan yihiin kala bar codadkaas.

Halkey ka imaanayaan codadkaas: Waxaa laga keenay deegaanadii ay ku guuleystay Hillary Clinton doorashadii 2016-kii ee dimuqraadiga.

Natiijada gobolka Pennsylvania
Natiijada gobolka Pennsylvania

Faalada weriyaha: Inta badan codadka harsan waa kuwa lagu dhiibtay dhanka boostada oo laga keenay deegaanada ku xeeran magaalada Philadelphia, waana sababta weli Biden uu ku rajo weyn yahay in codad badan uu ka helo gobolkan uu hogaaminayo Trump.

Goormaa la filayaa natiijada kama danbeysta ah: Saraakiisha gobolkan waxay sheegayaan in inta badan la heli doono habeenka Khamiista ah. waxayna arrintaas horseedi in caawa la ogaan doono saadaasha.

Section divider

ARIZONA- Wuxuu heystaa 11 cod oo ah kuwa guusha horseeda (Codadka ergada)

Halkey wax marayaan: Biden ayaa weli gobolkan ku hogaaminayaa codad gaarayo 46,000, inkasta oo weli Trump uu codad badan ka helayo gobalkan.

Codadka weli la tirinayo: Ilaa iyo hadda makala cadda codadka harsan balse saraakiisha guddiga doorashada waxay sheegeen in duhurnimada khamiista ay tiriyeen codad gaarayo 470,000.

Natiijada doorashada Arizona
Natiijada doorashada Arizona

Halkey ka imaanayaan codadkaas: Waxaa dhammaantood laga dhiibtay gobollo kala duwan, intooda badan waxaa laga keenay caasimadda gobolka Arizona ee Phoenix.

Faalada weriyaha: Inkasta uu Biden hogaaminayo natiijada doorashada gobolkan balse Trump wuxuu u muuqdaa in uu ku dhaw yahay Biden halka codadka soo haray laga keenay deegaanka Maricopa halkaas uu Biden ka heysto taageero, su’aasha waxay tahay ma waxay noqon doonaan, codadka qofka uu sida toos ah u dhiibtay- waana qaabka Trump uu ku helayo codad badan halka codadka lagu dhiibtay qaabka boostada uu yahay qaabka uu codadka fiican ka helay Biden.

Goormaa la filayaa natiijada kama danbeysta ah: Waxaana lagu rajo weyn yahay in natiijada qaar lagu dhawaaqo abaare 19:00 wakhtiga dalkaas-mana garan karno tirada codadka lagu dhawaaqi doono.

Section divider

NEVADA- Wuxuu heystaa 6 cod oo ah kuwa guusha horseeda (Codadka ergada)

Halkey wax marayaan: Biden wuxuu natiijada gobolkan ku hogaaminayaa codad gaarayo 12,000.

Codadka weli la tirinayo: Codadka aan haatan la tirin ee gobolkan waxay ka badan yihiin 63,200.

Natiijada doorashada gobolka Nevada
Natiijada doorashada gobolka Nevada

Halkey ka imaanayaan codadkaas: Waxay codadkan ka imaanayaan sida magaalooyinka Reno iyo Las Vegas, kuwaas oo codadka laga dhiibtay ay iska soo daba dhacayaan.

Faalada weriyaha: Waxaa laga yaabaa in Biden uu codad kale ka helo gobolkan xilli la tirinayo codadka harsan, inkasta oo la tiriyay codadka qaabka boostada lagu dhiibtay ee laga keenay deegaanka Clark oo ay dimuqraadiga ku xoogan yihiin.

Goormaa la filayaa natiijada kama danbeysta ah: Codad dheeraad ah oo gaarayo 51,000 ayaa la filayaa in la shaaciyo beri, sida laga soo xigtay Joe Gloria oo kamid ah saraakiisha guddiga doorashada ee deegaanka Clark halka natiijada qaar la fili doono labada maalmood ee nagusoo aadan in lagu dhawaaqo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this