Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka qarxay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan xoogiisa uu ka socdo tuulooyin hoos yimaada deegaanka Bulacle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday deegaano ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this