Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo tiro ciidamo ka tirsanaa AMISOM kala baxday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Uganda ayaa tiro ciidamo ah kala baxday Soomaaliya kuwaas oo muddo hal sano ah ka tirsanaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada laga saaray Soomaaliya ee dib loogu soo dhaweeyay wadankooda waxaa tiradodoa lagu sheegay 2,100, waxaana xalayto lagu soo dhaweeyay Xarunta Tababbarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke.

ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Wilson Mbasu Mbadi ayaa soo dhaweeyay kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaaca, wuxuuna ku yiri: “Si sharaf leh ugu soo dhawaada dalkiina adinkoo nagu matalay qadiyadda Pan Africa ee Soomaaliya”

Dowladda Uganda waxey ciidamadeeda usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007, waxeyna kusoo aadeysaa arintaan xilli la qorsheynayo in ciidamada Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la saaro sanadka 2021.

Shalay ayey ciidamo hor leh soo gaareen Muqdisho kuwaas oo la sheegay iney sugi doonaan ammaanka doorashooyinka, balse qorshahaan ciidamada Uganda dib loogu celiyay wadankooda lama sheegin inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballamay ee ciidamada shisheeye looga saarayo dalka.

The post Uganda oo tiro ciidamo ka tirsanaa AMISOM kala baxday Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this