Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Ciidanka Dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Galgaduud + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhusamareb (Caasimadda Online) – Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaano hoos taga gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan warbixino laga helayo halkaas.

Goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay in dagaalka uu ka bilowday deegaanka Bulacle ee ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana dhacay iska hor imaad uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka deegaanka waxey noo sheegeen in wali dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan la maqlayo, sidoo kalana aan la ogaan karin khasaaraha ay is gaarsiiyeen labada dhinac iyo midka soo gaaray dadka rayidka ah.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Galmudug ayaa bilaabay hawlgallo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab kuwaas oo weerar ku qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo kasoo duulayay garoonka Ugaas Nuur.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa lagala wareegay deegaano hor leh ka hor inta uusan bilaaban dagaalkaan, waxeyna dhacdooyinkaan kusoo aadayaan xilli ciidamada Booliska Soomaaliya laga doonayo iney sugaan ammaanka goobaha doorashooyinka.

Laba goobood ayaa dowlad goboleedka Galmudug laga dhigi doonaa kuraasta lagu tartami doono iyadoo Al-Shabaab ay gobollada dhexe durba ka bilaabeen qalqal galinta ku aadan amniga deegaanadaas.

Wixii kusoo kordha dib ayaad kala socon doontaan haduu eebe idmo.

The post DEG DEG: Ciidanka Dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Galgaduud + Khasaaraha first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this