Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dil ka geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa loo geystay wade mooto Bajaajle, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii uu wadaha ka biyo diiday inuu horey u sii qaado askariga oo markii dambe rasaas u adeegsaday, taas oo sababtay geerida marxuumka

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, walow uu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi.

Inta badan askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah shacabka ka geysta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this