Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku dhowaaqay guddi doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Guddiga uu ku dhowaaqay Lafta Gareen ayaa ka kooban illaa siddeed xubnood, waxaana saddex ka mid ah yihiin dumar.

Sidoo kale guddigan ayaa waxaa lagu soo biirin doonaa saddex xubnood oo ka imaanaya dhanka dowladda federaalka, sida lagu sheegay qoraalka.

Waxaa sidoo kale guddigan uu arrimaha doorashooyinka kala shaqeyn doonaa guddiyada xalay lagu dhowaaqay ee doorashada 2020 illaa 2021-ka.

Dhismaha guddigan ayaa wuxuu qeyb ka ahaa heshiiskii horay looga gaaray doorashada ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa dhowaan isku diyaarineysa doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo horraanta bishan si rasmi ah uga bilaaban doonto dalka.

Guddiga.jpg

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku dhowaaqay guddi doorasho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this