Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed Oo Wacad Ku Maray In Uu Sii Wadi Doono Dagaalka Ka Dhanka Ah Gobolka Tigreega

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono howlgalka millateri ee ka dhanka ah gobolka Tigreega inkasta ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku aadan ilaalinta amniga.

Maamulka Abiy wuxuu ku eedeeyay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigreega in uu wado weerar ka dhan ah millatariga dowladda.

Xiisad ayaa ka taagan gobolka Tigreega kaddib markii Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay tallaabo millateri oo ka dhan ah maamulkaas.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Abiy, wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay in howlgal millateri lagu qaado gobolka Tigreega isla markaana uu sii wadi doono howlgalkaas.

Dowladda federaalka ayaa horraan xaalad deg deg ah ugu soo rogtay gobolka Tigreega, waxaana la xidhay duulimaadyadii aadi jiray gobolkaas.

Bayaanka uu soo saaray Rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yidhi “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

TPLF waxay dhankooda sheegeen in ayna is dhiibin doonin oo aysan iska indha tiri doonin halista weyn’

Dowladda federaalka waxay dhankeeda sheegtay in ‘colaadda ay wadaan kooxo yar oo dana gaar ah wata si ay u carqaladeeyaan amniga dalka’

TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sannadkii 2018-kii.

TPLF ayaa hore waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyraska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.
Xigasho: BBC

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this