Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Xiisada Ka Jirta Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda ka taagan dalka Itoobiya laguna xalliyo qaab nabaeeed khilaafaadka jira.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu aad uga waalacsanyahay isku dhacyada hubeysann ee ka jira gobalka Tigreega ee waqooyiga dalkaas, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo xalliyo dhibaatda taagan.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay Qarmada Midoobe ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la qaado tillaabo deg deg ah si loo joojiy xiisada ka aloolsan dalka Itoobiya.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay Itoobiya ka taageerto hiigsigeed ah wada noolaansho nabadeed iyo mustaqbal wanaagsan.

R’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay ku dhawaaqay howl gal military oo ka dhan ah Jabhadda ka dagaalanta gobalka Tigreega ee lagu magacaabo Jabhadda Xoraynta dadka Tigreega.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this