Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump ama Biden:Kumaa cagta saaray waddada guusha ee doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Trump ama Biden: Yaa cagta saaray waddada guusha ee doorashada?

Biden iyo Trump
Biden iyo Trump

Mareykanka waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashada iyadoo weli laga dhursugayo cidda ay guusha raaci doonto, waxaana doorashadan codkooda ka dhiibtay in ka badan 160 malyan oo qof.

Donald Trump wuxuu ku anddacooday in uu guul gaaray isla markaana ku eedeeyay Dimuqraadiga inay geysteen wax is dabamarin, wuxuu barta Twitter-ka soo dhigay qoraallo dhowr ah oo shirkaddaas barta bulshada ay ku tilmaamtay kuwo marin habaabin ah oo uu ku sheegayo in dadka tartanka kula jira inay ku shubteen codadka. Xaaladda sidaa ma ahan, weli waxaa socotaa tirinta codadka.

Hadda waxaa la saadaaliyay in Biden uu ku guuleysan doono codadka laga dhiibtay gobolka Michigan, halka warbaahinta Mareykanka ay saadaalinayaan in uu guul ka soo hoyin doono gobolka Wisconsin, gobollada kale ee muhiimka ah ee la isku hayo waxaa ka mid ah Arizona, Nevada, Georgia iyo Pennsylvania.

Codadka uu ku guuleysan karo musharrax ee ergada gobollada, wuxuu Biden ka heystaa illaa 243, halka Trump uu heysto 214. Qofka guuleysanayo waxaa laga doonayaa in uu helo 270 codadka ergada ah oo guusha horseedi karta.

Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa waxaa looga baahan yahay cidda tegi doonto Aqalka Cad.

Sida uu ku guuleysan karo Biden

Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, waxaa looga baahan yahay in uu sii xoojiyo guusha uu hadda ka gaaray gobollada Arizona, Nevada iyo Wisconsin. Haddii weli uu sii hogaamiyo gobolladaas, waxay ka dhigan tahay in uu keeni karo 270 oo ah codadka guusha u horseedi kara.

Gobolka Michigan waxaa natiijada ku hogaaminayaa Biden xilli inta badan la tiriyay codadka laga keenay deegaanada ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Dimuqraadiga. Marka galabkii waxaa loo saadaalinayaa in uu ku guuleysto codadka gobolka, halka Wisconsin na la saadaalinayo in uu guul ka gaaro, waana meesha ay Jamhuuriga codsanayaan in dib loo tiriyo codadka.

Biden wuxuu guul ku guuleystay gobolka Arizona iyadoo ay weli harsan yihiin tirinta codad badan, balse gobolka Nevada wuxuu Biden ku hoggaaminaya codad kumanaan ah, iyadoo la tiriyay codadkii ay ku tiirsanaayeen jamhuuriga halka codadka soo haray ay yihiin kuwa dimuqraadiga.

 

Ilaa iyo haatan, Biden wuxuu u muuqdaa mid cagta saaray ugu yaraan wadda iska caabinta ah ee gaarsiin karto Aqalka Cad.

Sida Trump uu ku guuleysan karo

Sida Biden, Trump waa in uu xajistaa guusha uu ka garay gobollada soo haray sida Pennsylvania iyo Georgia. Xisbiga Jamhuuriga waxaa looga baahan yahay in ugu yaraan uu ku guuleysto mid ka mid ah gobollada uu hogaaminayo Biden ee aan soo sheegnay.

Natiijada gobolka Nevada ee Biden iyo Trump waa mid aad isugu dhaw, waxaana laga yaabaa in codad yar uu ku badiyo Trump, waa haddii codadka la keeni doono galabta ay noqdaan kuwa Jahmuuriga oo aysan noqon kuwa Dimuqraadiga, sida la filayayba.

Mareykanka waxaa weli ka socotaa tirinta codadka
Mareykanka waxaa weli ka socotaa tirinta codadka

Natiijida gobolka Arizona waa arrin muhiim u ah qofka noqonaya madaxweynaha, sida gobolka Nevada, waxa jiro codad badan oo aaan la tirinin. Guusha Biden uu ka gaaray gobolka Arizona waxay ka weyn tahay tan uu ka gaaray Nevada, balse waxaa suuragal ah in wax is beddelaan.

Gobolka Wisconsin, waxay u muuqataa in Trump uusan wax rajo ah ka qabin maadama boqolkiiba 99 codadka la tiriyay.

Qorashaha uu isku xoojinayo Biden

Guusha Biden waxay si weyn ugu tiirsan tahay in uu sii xajisto hoggaaminta natiijada gobollada Pennsylvania iyo Georgia, balse taasi kama dhigno in uu labada gobol uu ku badbaadi karo. Inta badan codadka soo haray waxaa laga keenay deegaannada ay ku xooggan yihiin tageerayaasha Dimuqraadiga ee ku xeeran Atlanta.

Gobolka Pennsylvania, weli waxaanan la tirinin illaa hal milyan oo cod, inkastoo Trump uu hoggaaminayo natiijada gobolka Keystone.

Haddii Biden looga adkaado, wuxuu lumin karaa guusha laba gobol ee Arizona iyo Nevada. balse haddii Dimuqraadiga uu ku guuleysto gobolka Georgia, wuxuu Trump lumin karaa guusha gobol ama labo gobol (Gaar ahaan codadka ergada ee guusha horseeda).

Trump iyo Biden waxaa horyaalla waddooyin kala duwan oo u horseedi kara guul.

Jahwareerka iyo arrinta sharciga

Marka laga soo tego waxay ay noqon doonto natiijada, jahwareerka taagan wuxuu yahay, in Biden uu ku andacooday in uu hayo dhabbaha guusha, halka kooxda ololaha Trump ay jeediyeen eedeyn ah in wax la isdabamariyay isla markaana doorashada lagu shubtay, iyago aan wax caddeyn ah hayn.

Kooxda ololaha Trump waxay codsadeen in dib loo tiriyo codadka gobolka Wisconsin.

 Maxkamadda hannaanka loo marayo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this