Sign in to follow this  
Deeq A.

War-saxaafadeed: DF oo dalab hor-dhigtay guddoonka cusub ee baarlamanka HirShabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarrada Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey doorashadii guddoonka cusub ee baarlamaanka HirShabeelle, kaas oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Wasaarradda ayaa boggaadisay guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle iyo hey’adaha amniga oo ku guuleystay in doorashadaas ay sidii loogu tala galay u dhacdo.

Sidoo kale wasaarradda arrimaha gudaha ayaa ka dalbatay guddoonka cusub ee baarlamaanka Hir-Shabeelle inay soo dhameystiraan howlaha ka dhiman doorashada maamulkaas.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar oo loogu tartamay xilalka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa ku soo baxay seddax musharax oo ka mid ah xubnihii tartamayey.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa loo doortay guddoomiye, ku-xigeenkiisa koowaad Siraaji Sheekh Isxaaq, halka ku xigeenka labaad loo doortay Mahad Xassan Cismaan.

Dowladda federaalka ayaa aad loogu xaglinayaa inay si toos ah u maamulaneyso doorashada dowlad goboleedka HirShabeelle, iyadoo maalin ka hor madaxweynihii hore ee maamulkaas Maxamed Cabdi Waare uu isku casilay arrimo ay ka mid tahay tix-gelin la’aan uu ka tirsanayo dowladda dhexe.

2020114637400862749853446.jpg

The post War-saxaafadeed: DF oo dalab hor-dhigtay guddoonka cusub ee baarlamanka HirShabeelle first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this