Deeq A. Posted November 4, 2020 Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa maanta waxa ay xukun adag ku ridday Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah miilkiilaha Astaan TV oo xarumo kala duwan ku leh gudaha dalka. Cabdimanaan ayey maxkamaddu ku xukuntay shan sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan labo bilyan oo ah shillinka Somaliland. Sidoo kale waxa ay maxkamadda gobolka Maroodi Jeex soo saartay go’aan Astaan TV looga mamnuucayo deegaanada maamulka Somaliland, ka soo dhaqan galaya laga bilaabo maanta oo ay tahay 4-ta bisha Novembe ee sanadka 2020-ka. Ma caddeyn maxkamaddu sababta xukunkaasi adag loogu ridday milkiilaha shirkadda Astaan Cable, oo 17-kii bishii July ee sanadkan lagu xiray Hargeysa. Dhinaca kale qareenada u doodayey Cabdimanaan ayaa ka horyimid go’aanka maxkamadda, iyaga oo sharci darro ku tilmaamay xukunka adag ee lagu ridday. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo saddexdii bil ee la soo dhaafay Cabdimanaan Yuusuf Maxamed uu ku xirnaa xasbiga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, iyada oo si weyn loo cambaareeyey xariggiisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites