Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo ku dhawaaqay Natiijo cajiib u ah+Joe Biden oo la saadaalinayo inuu…….

Recommended Posts

Deeq A.   
    • Trump oo ku dhawaaqay natiijo “cajiib u ah”

      Trump

      Donald Trump ayaa ka soo muuqday qolka yare ku yaalla dhanka Bari ee Aqalka Cad.

      Wuxuu billaabay in uu u mahadceliyo qoyskiisa iyo taageerayaashiisa xalay isu soo baxay.

      “Waxaan isu diyaarineynay dabaaldegga wayn,” ayuu yiri. “Waxaan ku guuleysaneynay wax kasta.”

      Isagoo u hadlayay sida qof guul weyn gaaray, wuxuu Trump u dabaaldegay guushii xalay uu ka gaaray Florida.

      “Guul keli ah ma ahan, waa mid aan ku uruursanay dhammaan,” ayuu yiri.

      Wuxuu sidoo kale sheegtay in uu hoggaaminayo Pennsylvania, waa sida uu xalay fiidkii sameeyay Joe Biden.

      Way adag tahay in xilligan la sii saadaaliyo qofka ku guuleysanaya gobolkaas.

    • Biden oo la saadaalinayo inuu ku guuleysto Minnesota

      .

      Gobolka Minnesota ayaa la sadaalinayaa inuu ku guuleysto Joe Biden.

      Gobolkan oo ku yaalla bartamaha galbeedka Mareykanka ayna ku nool yihiin Soomaali badan ayaa taariikhiyan ah mid ay awood weyn ku leeyihiin Dimuqraaddiyiinta.

      Xisbiga Dimquraaddiga ayaa ku guuleysan jiray doorasho walba oo madaxtinnimo 60-kii sano ee la soo dhaafay, marka laga reebo sanadkii 1972, markaas oo dadka Minnesota ay taageereen Madaxweyne Richard Nixon.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this