Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo Sheegay In Uu Guulleystay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Donald Trump ayaa ka soo muuqday qolka yare e ku yaalla dhanka Bari ee Aqalka Cad.

Wuxuu billaabay in uu u mahadceliyo qoyskiisa iyo taageerayaashiisa xalay isu soo baxay.

“Waxaan isu diyaarineynay dabaaldegga wayn,” ayuu yidhi. “Waxaan ku guulleysaneynay wax kasta.”

Isagoo u hadlayay sida qof guul weyn gaadhay, wuxuu Trump u dabaaldegay guushii xalay uu ka gaadhay Florida.

“Guul keli ah ma aha, waa mid aan ku uruursanay dhammaan,” ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale sheegtay in uu hoggaaminayo Pennsylvania, waa sida uu xalay fiidkii sameeyay Joe Biden.

Way adag tahay in xilligan la sii saadaaliyo qofka ku guulleysanaya gobolkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this