Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhan Cumar oo markale guul weyn ka gaartay doorashada dalka Mareykanka (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo gabar Soomaali ah, kana tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markale guul taariikhi ah ka soo hoyday doorashada dalkaasi.

Ilhaan oo la tartantay musharraxa ka socday Xisbiga Jamhuuriga ee Lacy Johnson ayaa ka guuleystay, kadib doorasho ka dhacday Gobolka Minnesota, waxaana sidaasi ay markale ku difaacatay kursigeeda degmada 5-aad ee Golaha Congress-ka Mareykanka.

Dhammaan codadkii la dhiibtay ayey Ilhaan ka heshay 65%, halka Musharraxii kale ee la tartamay uu isna helay codad gaaraya 26%.

Guusha ay gaartay Ilhaan Cumar ayaa waxaa sidoo kale si aad u soo dhoweeyey taageerayaasheeda oo u dabaal degay in markale loo doorto Congress-ka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa dadka codeynayey ka mid ah Soomaali badan oo ku sugan gobollo dhowr ah oo ka tirsan wadankaasi.

Trumo oo isna loolan adag kula jira musharrax Joe Biden ayaa si weyn uga soo horjeeda guusha Ilhaan Cumar oo ay isku hayaan siyaasadda Mareykanka, iyaga oo marar badan iska weeraray warbaahinta iyo baraha bulshada, iyaga oo adeegsanaya erayo kul-kulul.

Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sanadihii u dambeeyey si weyn uga soo dhex muuqatay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo doorashada Mareykanka.

The post Ilhan Cumar oo markale guul weyn ka gaartay doorashada dalka Mareykanka (Warbixin) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this