Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle oo maanta dhaceysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta ka dhacaysa doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan laga dareemayaa gudaha Jowhar, iyada oo si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee HirShabelle ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka HirShabelle ayaa ah gabadha kali ah ee xilkaasi mar 2-aad u tartamaysa, iyadoo uu la loolamayo Mahad Xasan Cusmaan.

Doorashada gudoonka baarlamanka 2-aad ee HirShabelle kadib ayaa waxaa xigi doonto doorashada madaxweynaha cusub ee HirShabelle iyo ku xigeenkiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this