Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad hubeysan oo dilal ka geystay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dilal ka geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Labo ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay kooxahaasi ay ku dileen inta u dhexeysa deegaanada Xananbuur iyo Miirjicley.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ee la dilay ay kala haayeen wiil iyo adeerkiis oo si weyn looga yaqiinay halkaasi.

Sida aan xogta ku helnay dhacdadan ayaa salka ku heysa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan dilalkaasi, balse ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah.

Dhowaan ayey aheyd markii kooxo hubeysan ay sidan oo kale dilal uga geysteen gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this