Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Mucaaridka Dalka Uganda Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kampala)-Hoggaamiyaha Xisbiga National Unity Party ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha doorashada Yugandha ee la qorsheenayo inay dhacdo sannadka 2021.

Robert Kyagulanyi, oo ah heesaa isubedalay siyaasi ayaa caan ku ah magaca Bobi Wine waana 38 sanno jir doonaya inuu xilka ka tuuro Madaxweynaha mudada dheer ka talinayey Ugandha ee Yuweri Musefeni.

Bobi Wine ayaa kadib markii loo fasaxay inuu tartanka ka qeyb geli karo sheegay in dhalinyarada Yugandha ay doonayaan inay iska xoreeyaan Kalitaliska Musefeni ee dalkaasi kasoo talinayey 35 sanno.

Maaha markii ugu horreysay oo la xidho siyaasigan oo taageero badan ka heysta dhalinyarada, Taliska Booliiska ayaan weli wax war ah kasoo saarin xadhigiisa

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this