Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Markii Labaad Loo Doortay Kongareeska Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waxaa la dhammeystiray tirinta cododka kursiga Degmada 5aad ee gobalka Minnesota ee laga soo doorto Xildhibaan Ilhan Omar oo markale si fudud uga guulleysatay murashaxiintii la tartameysay.

Ilhan Omar ayaa heshay 64,6% cododka la tiriyey iyadoo si fudud uga guulleysatay murashaxii xisbi Xaakimka ee Jamhuuriga, Ilhan ayaa hore uga soo guulleysatay murashaxiin kula tartamey xisbiga dimuquraadiga dhexdiisa kuwaasi oo la sheegay inay maalgelinayeen Tujaarta taageerta Maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale ololihiisa sii gaar ah ugu weeraray Ilhan Omar iyo waliba guud ahaan Soomaalida, isagoo ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka shaqeeyaan inaan markale la dooran Ilhan Omar.

Ilhan-omar-codod-2020.jpg

Inkastoo guusha Ilhan Omar lagu dhawaaqay waxaa weli socota tirinta cododka Doorashada Madaxweyna ee gobalada kala duwan ee dalka Maraykanka, waxaa sidoo kale loolankan adag uu ka socdaa kuraasta labada Aqal ee Kongareeska Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this