Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Salaad ku tukaday Macbadka Hindu-ga Gudihiisa ka dibna la xidhay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

 Sheekh Salaad ku tukaday Macbadka Hindu-ga Gudihiisa ka dibna la xidhay+Sababta

फ़ैसल ख़ान
Faysal khan

Nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo lagu magacaabo Faysal Khan ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in uu salaad ku dhex tukaday mandar ama macbad ay Hindu-ga leeyihiin oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Mathura ee gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya.

Dhowaan ayaa laga gudbiyay dacwad ka dhan ah Faysal khan iyo seddax qof oo kale oo la socotay oo salaadda ku tukaday macbadka 29-kii bishii October.

Kiiska dacwadda wuxuu la xiriiraa in Faysal iyo Chand Muhammad ay dad kale salaad ku tujiyeen macbadka Nandababa ee degmada Mathura.

Xilligaas waxaa kaloo la socday Nilesh Gupta iyo Alok Ratan oo ka mid ah dadka ay isla shaqeeyaan.

Raggan oo ka safray magaalada Delhi waxay Mathura u tageen in ay la kulmaan baadariyaal iyo dad kale iyo in arrimo diini ah ay uga hadlaan Mandarka Nandababa temple.

फ़ैसल ख़ान

Faysal Khan, ka hor intii aan la xirin, wuxuu BBC u sheegay, “Waxaan booqanay goobo 84 ah. Ka dib markii aan dhameynay kulamada, waxaan aadnay macbadka Nandababa. Ka dib markii wadaadka uu noo ogolaaday, waan waysaysanay waana tukanay. Balse hadda waxaan oganay in dacwad na laga gudbiyay”.

“Xilligii aan tukaneynay Wadaadadii Mandarka way nagu faraxsanaayeen, waxay ahaayeen rag jaceyl horey u socodka, waan hubaa in cadaadis ay la kulmayaan.”

Sushil Goswami, oo ka tirsan shaqaalaha Nanda Baba temple, wuxuu BBC u sheegay in iyaga ay u ogolaadeen raggan in halkaa ay ku tukadaan, balse sawirkii laga qaaday ayaa baahay, waxaana ka carooday dad badan oo deegaanka ah.

Sushil Goswami wuxuu yiri: “Faysal Khan wuxuu isku tilmaamay maskaxda isu soo dhoweyneysa labada diimood. Markii uu tukaday, wuxuu iska qaaday sawir isagoo joogay meel u dhow albaabka. Ma sheegi karin in uu meeshaas ka aadimay ama uu sawir keli ah iskaga qaaday”.

“Markii sawirka uu ku faafay baraha bulshada ayaan ogaanay dhacdada. Waxaa ka cadhooday bulshada Goswami. Waxaan hadda dalbaneynaa in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo dhacdada,” ayuu hadalka ku sii daray.

Faysal Khan iyo raggii la socday waxaa lala xiriiriyaa dhaqdhaqaaq bulsho oo lagu magacaabo ‘Khudai Khidmatgar’.

फ़ैसल ख़ान

Khudai Khidmatgar waa hay’ad aan dowli ahayn oo ka dhisan Delhi taas oo sheegtay in ay ka shaqeyso nabadda, walaaltinimada iyo isu dulqaadashada bulshooyiinka.

Afhayeenka hay’adda, Pawan Yadav, wuxuu sheegay in ay dadaal badan geliyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen bulshooyiinka haysta diimaha kala duwan, iyo in ay arrintaa dhiirageliyaan.

 

Faysal Khan iyo asxaabtiisa waxay hay’addan Khudai Khidmatgar Sangathan billaabeen sannadkii 2011-kii, waxayna sheegeen in ay faafiyaan farriimaha is dhexgalka iyo is jaceylka bulshooyiinka, taasna ay tahay ujeedadooda ugu horreysa.

Hay’ad isla magacaa Khudai Khidmatgar wadatay waxaa sannadkii 1929 aasaasay hoggaamiye la socday Gandhi oo lagu magacaabay Khan Abdul Ghaffar Khan. Xilligaas waxaa socday ololihii xuriyad doonkii Hindiya.

Faysal Khan wuxuu sheegay in ujeedada hay’addan ay tahay mid la mid ah tii hore.

Taariikhda Faysal Khan

फ़ैसल ख़ान

Faysal Khan, oo 48 sano jir ah, wuxuu ka soo jeedaa deegaanka Kayamganj ee degmada Farrukhaba oo ka tirsan gobolka Utter Pradesh.

Wuxuu wax ka bartay Jaamacadda Islaamiga ah ee Aligarh Muslim, ka dib wuxuu noqday qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Xilligii uu jaamacadda dhiganayay wuxuu ku biiray dadkii bulshada u dhaqdhaqaaqayay sida Medha Patekar iyo Dr Sandeep Pandey.

Pawan Yadav, oo saaxiib dhow la ah Faysal wuxuu yiri: “Walaalahan Faysal iyo Dr. Sandeep Pandey, waxay ka mid ahaayeen koox u safartay Lahore si ay bulshada iyo diimaha isugu soo dhoweeyaan, sannadkii 1990-maadkii.

Faysal ayaa sidoo kale ka mid noqday dhaqdhaqaaqyo kale oo kala duwan oo arrimaha bulshada la xiriira.

“Ka dib, sannadkii 2011-kii, wuxuu aasaasay Khudai Khidmatgar Sanstha, si bulshada uu ugu adeego, sidoo kale waxay hay’addiisa qabataa kulamo. Waxaa xubno firfircoon ka ah illaa 70 qof “, ayuu yiri ninkaa ay sida weyn isugu dhow yihiin.

Faysal Khan wuxuu hadda ku nool yahay aagga Jamia Nagar ee Delhi, waxaana la xiray Isniintii.

Sannadkii 2015-kii, Faysal wuxuu xaafad lagu magacaabo Ghaffar Manzil, ka dhisay guri wayn oo lagu magacaabo ‘Sabka Ghar’ kaas oo ay ku wada nool yihiin dad haysta diimo kala duwan.

Dadkaas islama noola oo keli ah, balse waxay xitaa wadaagaan dabaaldegyada iyo xafladaha iyagoo raacaya diinta ay aaminsan yihiin.

फ़ैसल ख़ान

Dr. Kush Kumar oo ay isla shaqeeyaan Faysal, isuna raacaan meel kasta, wuxuu BBC u sheegay: “Faysal Bhai waxaan la kulmay xilli aan daweynayay bukaan. Ka dib waxaan ogaaday in uu bulshada u dhaqdhaqaaqo. Waan arkay shaqadiisa waxaana ogaaday in isaga iyo hay’adda ay shaqo fiican hayaan. Ma jirto arrin ay gacmaha ka laabanayaan gaar ahaan in kalgacayl laga dhex abuuro bulshada. Markii ay dib u soo celinayeen Khudai Khidgatgar, waan la joogay”.

Dr Kush wuxuu sheegay in la cambaareeyo in raggan ay Mandar ku dhex tukadeen ay sabab u tahay in dadka aysan la qabsan iyo in ay fahamkooda dhaafsiisan tahay. Waxa keliya ee aan ka shaqeyneyno waa isu soo dhoweyn.

Sida uu dhaqtarkaas sheegay, Faysal wuxuu korka ka xifdiyay dhammaan diimaha iyo waxa ay dhigayaan. Sidoo kale waa xaafidul-Quraan.

फ़ैसल ख़ान

Faysal Khan wuxuu si aad ah ugu dhex safray Hindiya, sidoo kale wuxuu booqday dalal kale, wuxuuna intaa ka shaqeynayay arrimaha bulshada.

Kush wuxuu sheegayaan in Faysal uu yahay tusaalaha bulshada iyo is dhexgalkeeda, wuxuuna isu keenaa dad kala aaminsan caqiidooyiin kala duwan, sida dabaaldegyada Holi, Diwali, Ciid, Christmas.

Dr Kush wuxuu beeniyay in ay jirto meel ka baxsan Hindiya oo Faysal uu dhaqaale ka helo. Lacagta waxaa ku tabaruca shaqaalaha hay’adda ka tirsan iyo dad kale oo sadaqeysta, sida uu aaminsan yahay.

Wuxuu afhayeenka hay’addaas, Pawan Yadav, sheegay in aysan jirin meel kale oo shilin lacag ah ay ka helaan.

फ़ैसल ख़ान

Sidoo kale, waxaa horey u jiray kiisas dacwo ah oo laga gudbiyay Faysal iyo hay’addiisa.

Sannadkii la soo dhaafay, xilli uu safar usii ahaa Kashmiir, waxaa laga soo celiyay garoonka diyaaradaha, waxaana loo diiday in uu halkaas aado.

Xilligaas waxaa la socday dad kale sida Dr. Sandeep Pandey. Dhammaantoodna waa loo diiday in ay Kashmiir u safraan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this