Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro caruur ah oo ku geeriyootay roobabkii ka da’ay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay afar caruur ahaa ay ku geeriyoodeen waaxda saddexaad degmada Kaxda ee gobolka Bamaadir, kaddib markii ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da,’ay caasimadda.

Caruurta ayaa daganeyd kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, waxaana ku soo dumay dhismihii ay daganaayeen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale barakacaayasha ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya gurmad deg-deg ah, si ay u helaan hoy wanaagsan iyo daryeel intaba.

Muqdisho waxaa 24-kii saac la soo dhaafay ka da’ay roobab maahigaan ah oo saameyn daran ku yeeshay nolosha dadka barakacayaasha ah & kuwa danta yar, waxaana sidoo kale ay biyo dhigeen roobabku jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this