Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyey ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharixiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee HirShabelle iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta jeedinaya khubadahooda rasmiga ah ee musharaxnimada, iyadoo haatanba ay socoto abaabulka kulanka Babaarlamaanka.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee HirShabelle waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka HirShabelle ayaa ah gabadha kali ah ee xilkaasi mar 2-aad u tartamaysa, iyadoo uu la loolamayo Mahad Xasan Cusmaan.

Doorashada Gudoonka Baarlamanka 2-aad ee HirShabelle ayaa lagu wadaa in la doorto maalinta berri ah, iyadoo markaasi ka dib ay xigi doonto doorashada madaxweynaha HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this