Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaartoy faqri ku soo koray oo u istaagey inuu caawiyo carruurta

Recommended Posts

Deeq A.   

 Ciyaartoy faqri ku soo koray oo u istaagey inuu caawiyo carruurta

Marcus Rashford celebrates his match-winning goal against PSG in the UEFA Champions League on 21 October
Ciyaartoyga kooxda Manchester United, Marcus Rashford, wuxuu olole ugu jiraa in dowladda UK ay raashin siiso carruurta baahan ee waddanka

Weeraryahanka kooxda Manchester United, Marcus Rashford, hadda wuxuu isbuucii qaataa lacag dhan $250,000, laakiin wuxuu kusoo koray faqri wuxuuna noqday qof u ololeeya la dagaallanka saboolnimada.

Dhawaan wuxuu dhaliyay gool yimid daqiiqaddii 87 oo uu shabaqa ku taabsiiyay ciyaar ka tirsaneyd tartanka Champions League-ga, laakiin islamarkiiba Rashford maskaxdiisa waxay ku mashquulsaneyd wax aad uga duwan kubadda cagta.

Kaddib markii uu u dabaal dagay ciyaartii ay kooxdiisa 2-1 uga guuleysatay kooxda Paris Saint-Germain, 22 jirka weerarka uga ciyaara Manchester United wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray hadallo ku saabsanaa siyaasadda.

Markii hore sawirro ku saabsan goolkiisii guusha ayuu soo dhigay Twitter-ka, laakiin durbadiiba wuxuu soo qoray: “Haddii aad wax ii sameyneysid caawa ii saxiix ololaha,” isagoo markaas ula jeeday ololihiisa ku aaddan sidii cunto bilaash ah loo siin lahaa carruurta iskuullada dhigata.

In ka badan 1 milyan oo ruux ayaa ololahaas saxiixay, waxayna taasi u sahleysaa ciyaartoygan inuu dowladda ka dhaadhiciyo ujeeddadiisa.

Waddanka uu ku dhashay ee UK waa dalka lixaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, laakiin sidaasoo ay tahay waxaa ku nool 4.2 milyan oo carruur sabool ah – taasoo ka dhigan in waalidiintooda aysan awoodin inay siiyaan raashin ku filan, dhar iyo hoy – sida lagu xusay tirakood rasmi ah oo ay dowladdu sameysay..

Tiradaas waxay muujineysaa in 30% carruurta ku sugan UK ay baahan yihiin, waxaana laga yaabaa inay sii bataan oo hal milyan oo kale ay kusii darsanto ilaa sanadka 2022-ka.

Saboolnimada waxay aad u saameysaa carruurta kasoo jeedda qoysaska bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo kuwa hal waalid kaliya uu koriyo.

Markii uu yaraa ciyaartoyga Manchester United, Marcos Rashford, labadaas arrimoodba way isugu darsameen.

A plate with food in a UK school
Qiyaastii 1.3 milyan oo ka mid ah carruurta UK ayaa cunto bilaash ah lagu siiyaa Iskuullada

Inkastoo maanta uu ciyaartoygan taajir yahay, haddana wuxuu kusoo koray faqriga magaalada Manchester, wuxuuna ka mid yahay shan carruur ah oo ay soo korisay hooyadood Melanie kaligeed.

“Waan garanayaa baahi waxa ay tahay,” ayuu yiri mar uu BBC-da la hadlayay horaantii sannadkan. Wuxuu in muddo ahba waday sidii uu uga hortagi lahaa in carruur kale ay soo maraan noloshii ay qoyskiisa soo mareen iyo sinnaan la’aanta.

Caawinaad

Rahsford iyo walaalihiis waxaa waxbarashada looga bixiyay lacago ay bulshada iska aruuriyeen.

Marcus wuxuu dhigtay iskuul hoose dhexe oo ku yaalla magaalada Manchester, halkaasoo 28.1% ka mid ah carruurta wax ka barata ay cunto bilaash ah helayeen guud ahaan sanadkii 2019-kii, sidii uu isagaba uga heli jiray.

Hooyadiis, oo shaqadeeda ay ahaan jirtay maqal-haye, waxa culeys badan kala soo kulantay korriimadooda. Laakiin xirfadda uu wiilkeeda yeeshay ayaa noloshooda sare u qaadday ugu dambeyn.

Waxay maamulka kooxda Manchester United ka dhaadhicisay inay aqbalaan in wiilkeeda uu ku biiro carruurta loo tababaro kooxdaas, isagoo markaas ay da’diisu ahayd 11 sano. Waa laga oggolaaday codsigeeda, inkastoo markaas da’da ugu yar ee la qaadanayay ay ahayd 12 sano jir.

Arrintaas waxay Rashford u sahashay inuu helo hoy u dhow xarunta tababarka.

Marcus Rashford with his mum Mel
Rashford described his mother’s struggle to feed five children on her sole income

Intaas wixii ka dambeeyay waa taariikhdiisa dhinaca kubadda cagta ee heerka sare gaadhay, taasoo gabi ahaanba hilmaansiisay noloshii adkeyd.

Go’aan ka noqoshadii dowladda

Waddanka England, qiyaastii 1.3 milyan oo carruur ah ayaa helayay cunto bilaash ah oo lagu siinayay iskuullada sanadkii 2019-kii.

Tiradaas waa 15% ka mid ah carruurta dhiga dugsiyada dowladda.

Balse bishii June ee sanadkan, xilli uu heer aad u sarreeya gaadhay cudurka Covid-19, saameyn ba’anna ku yeeshay dhaqaalaha, Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku dhawaaqay in dowladdu aysan cunto bilaash ah siin doonin qoysaska saboolka ah xilliga xagaaga ee fasaxa lagu jiro.

Olole uu horkacayay weeraryahanka Manchester United oo laga sameeyay baraha bulshada ayaa dowladda ku khasbay inay go’aankaas ka noqoto.

Rashford waxaa arrintaas lagu guddoonsiiyay abaalmarinta MBE oo uu ku muteystay sida uu u garab sitaagay carruurta baahan.

Hase yeeshee 21-kii bishii October, baarlamaanka UK, oo uu aqlabiyad ku leeyahay xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa cod ku diiday qorshe lagu doonayay in barnaamijka raashinka bilaashka ah ee carruurta waqtigiisa la kordhiyo ilaa bartamaha sanadka 2021-ka.

Hal isbuuc ka hor, dowladdu waxay sheegtay in Iskuullada aysan ku khasbaneyn inay carruurta raashin siiyaan waqtiga lagu guda jiro fasaxa.

Rashford wuxuu tallaabadaas uga fal celiyay canbaareyn adag oo uu u jeediyay.

“Turi badan oo carruur ah ayaa caawa seexanaya iyagoo baahan oo waliba dareemaya inaysan waxba ahayn kaddib hadalladii maanta la jeediyay,” ayuu Rashford kusoo qoray bartiisa Twitter-ka oo ay ku taxan yihiin 3.5 milyan oo ruux.

Garabka waaxda cuntada

Rashford and his mum during a visit to the Greater Manchester chapter of charity FareShare, which is naming a new warehouse in honour of his mother Melanie, on 23 October
Melanie Rashford waxay Manchester United ka dhaadhicisay inay wiilkeeda tababar u qaataan isagoo ka yar da’da ay aqbalaan

Hase yeeshee, go’aankii kasoo baxay baarlamaanka waxaa daba socday dhawaaq kasoo yeeray golaha wakiillada deegaanka, makhaayadaha iyo dhammaan meheradaha cuntada ee waddanka oo sheegay inay raashin bilaash ah ugu deeqayaan carrurta nugul.

Bishii September, Rashford wuxuu suuqyada waaweyn ee waddanka ku hoggaamiyay olole dowladda looga codsanayay inay kordhiso dhaqaalaha ay ku bixiso howlaha la dagaallanka saboolnimada iyo raashinka la siiyo carruurta UK.

Sidoo kale wuxuu abaabulay dhaqaale aruurin shirkado ka qeyb qaateen oo carruurta iskuullada loogu helay $25 milyan oo doolar.

Howshiisa dhinaca kubadda cagta ee xilli ciyaareedka 2020-21 wax saameyn ah kuma aysan yeelanin waxyaabaha kale ee uu ku mashquulsan yahay.

Ilaa hadda waxaa lagu ammaanayaa in heerkiisa ciyaareed uu sare u sii kacay, rajo fiicanna laga muujinayo xirfaddiisa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this