Sign in to follow this  
Deeq A.

Tababare Muraad Cabdiqaadir “Waan Ku Faraxsanahay Qabashada Kooxda Elman”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa shaacisay in ay soo qaadatay macallin Muraad Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada wax ku soo bartay qurbaha heer sarane ka gaaray xirfada tababarnimo,isagoo sheegayin uu aad ugu faraxsanahay hogaaminta naadiga Elman,wuxuuna taageerayaasha iyo maamulka kooxdiisa u balan-qaaday in uu gaarsiin doono guulo waaweyn mustaqbalka soo socda.

MVI_6170.MOV.00_00_10_06.Still001-1024x5

“Waan ku faraxsanahay in aan macallin u noqdo kooxda Elman,waxaan u mahad-celinayaa maamulka,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha sida wanaagsan ay soo dhaweeyeen,waxaan sidoo kale in aan halkan imaado door weyn ka qaatay guddoomiyihii hore naadiga Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje)” ayuu saxaafada isboortiga u sheegay tababraha kooxda kubbadda cagta Elman Muraad Cabdirqaadir.

Guddoomiyihii hore kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa qeyb ka qaatay in tababare Muraad Cabdiqaadir Cabdiqaadir uu yimaado dalka,isagoo u rajeeyay guul iyo horomar.MVI_6179.00_02_50_29.Still002-1024x576.p

“Muraad waa macallin da’yar oo ku haboon shaqada loo igmaday,waxaan u arajaynayaa in uu ku guulaysto mudada uu hogaamindoono kooxda Elman”ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii hore kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje.

MVI_6179.MOV.00_00_00_00.Still001-1024x5

Macallin Muraad Cabdiqaadir Maxamed wuxuu haystaa shahaada UEFA,isagoo inta uusan imaanin Soomaaliya soo maamulaya kooxda Solihull City ee ka dhisan Wadanka Ingiriiska

FB_IMG_1604327396737.jpg

“Gacmo furan ku soo dhawaaw macallin Muraad,Elman waxa ay kugu soo qaadatay qibradaada iyo aqoonta aad haystao,waxaan rajaynayaa in aan noo keento guulo,sidoo kale aad wax badan ku soo kordhiso kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu warbaahinta u sheegay Cabdirashiid Cabdulle Maxamed (Joorje) oo ah Maamulaha Kooxda Kubbadda Cagta Elman

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this