Sign in to follow this  
Deeq A.

Karaash iyo Xijaar oo kulan ku yeeshay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada Graoowe  ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya uu  Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.

“Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen Xijaar oo haatan ku sugan Garoowe ayaa saacadihii la soo dhaafay booqday xarumaha kala duwan ee Booliiska Garoowe iyo Goobaha loo diyaariyay Doorashada Xildhibaannada Baarlamanka heer Federaal halkaas oo uu kormeer ku sameeyay.

1-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3.jpg?resize=1000%2C702&ssl=1 4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Karaash iyo Xijaar oo kulan ku yeeshay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this