Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas.Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta  kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto doorashada xubnaha golaha Shacabka BFS ee ka imaanaya Puntland.

Taliye waxaa kumeerkiisa ku wehlinayay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto. Ceydiid Axmed Nuur, iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland.

Waxa uu Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska  kormeer ku tegay qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliiska Puntland ay ku shaqeyaan, isla markaana saraakiisha maamulka ku amaanay sida wanaagsan ay shaqada u wadaan.

Kormeerkaan ayaa ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, maadaama Garoowe ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya.

xijaar2.jpg

xijaar1-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this