Deeq A. Posted November 1, 2020 Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil uu hogaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Punland. Wafiga waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay, taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Punland Sareeyo guuto Ceydiid Axmed Nuur ,taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Ameeriko.iyo sarakiil ka tirsan ciidanka booliska Punland. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahaan safaro socdaal ah ku marayay qaar ka mid ah gobolka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites