Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Weerar mindi loo adeegsaday oo 2 Ruux lagu dilay 5-kalena lagu dhaawacay wadan reer Galbeeda+Cida fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar mindi loo adeegsaday oo 2 Ruux lagu dilay 5-kalena lagu dhaawacay wadan reer Galbeeda+Cida fulisay

Dhismaha baarlamaanka ee Quebec
Dhismaha baarlamaanka ee Quebec

Ugu yaraan laba qof ayaa toorey lagu diley, shan kalena waa lagu dhaawacay magaalada Quebec ee dalka Canada.

Booliska ayaa dadka u sheegay inay ku jiraan guryaha ka dib markii nin “ku labisnaa dharka qarniyadii dhexe” uu “dad badan weeraray.

Ninka weerarka geystay oo ku jira da’da 20-meeyada ayaa la qabtay waxyar ka hor 01:00 waqtiga maxalliga ah, saraakiisha ayaa sidaas yidhi.

Laakiin dadka deegaanka ayaa wali loo sheegayaa in ay ku ekaadaan gudaha maadama baaritaan uu socdo.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka baarlamaanka Hill oo ku yaal xaafadda taariikhiga ah ee Old Quebec. Warbixinadii ugu horreeyay ee weerarka ayaa soo baxay waxyar ka hor 22:30 waqtiga maxalliga ah.

Kadib markii lagu qabtay agagaarka beerta ganacsiga ee Espace , ninka ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka.

Le poste de commandement du @SPVQ_police est déployé devant l'hôtel du Parlement du Québec. pic.twitter.com/WEjxJeqquK

— ICI Québec (@iciquebec) November 1, 2020

Weriyeyaasha goobta ku sugan ayaa Twitterka ku baahiyay sawirro muujinaya taliyaha booliiska oo ku sugan bannaanka Dhismaha Baarlamaanka ee Quebec.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this