Deeq A. Posted November 1, 2020 Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa is-rasaaseyn saaka ka dhacday isgoyska Dabka oo kala qeybiya degmooyinka Hodan, Howlwadaag & Waabari ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka ayaa ka dhashay ka gadaal markii rag hubeysan oo ka dagay mooto Bajaaj ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa halkaasi. Ugu yaraan labo qof oo dhinacyadii is-rasaaseeyey ahaa ayaa ku dhintay halkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay qof kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ruuxa dhaawacmay uu ka tirsanaa kooxda weerarka soo qaaday, waxaana la wareegay oo baaris ku heysa laanta dambi baarista ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da oo saraakiil ka socota ay tageen goobta. Weli wax faah faahin ah saraakiisha ammaanka dowladda Soomaaliya kama bixin shaqaaqadaasi. Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay ammaanka Muqdisho uu ahaa mid yare degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata weerarada, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites