Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ku yalla Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ku yaalla gobolkaasi.

Ciidamada oo howl-gallo ka sameeyey duleedka degmada Waajid ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Kurta iyo Walaqle ee gobolka Bakool.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in iska hor imaad ay la galeen Al-Shabaab, balse ay ka adkaadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana ciidamada milatariga Soomaaliya ay weli dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan deegaanada hoos yimaada degmada Waajid ee Bakool.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this