Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xoogan oo maanta ka kacay guri ku yaalla degmada Xamarweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab maanta qabsaday guri ku yaalla dhabarka dambe ee dhismaha Aqalka Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne, kadib markii ay ku timid cillad dhinaca Korontada ah, sida ay innoo dheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dabka ka billowday Koronto, islamarkaana uu baabi’iyey guriga uu ka kacay, sidoo kalena uu ku faafay guryo kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dabkaasi uu geystay burbur hanti, balse ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo soo gaaray dadka ku dhaqan halkaasi.

Xaafadda uu dabku ka kacay ayaa ah mid isku raran ah, waxaana jirtay in saacado badan uu qaatay in uu dabka, maadaama gaadiidka dab-demiska ay geli waayeen goobta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this