Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashooyinka ee 2020/2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa xilligan isku diyaarineyso doorashada soo socota ee 2020/21, taas oo ay heshiis ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, balse waxaa haatan soo baxaya habac-sanaan iyo dib u dhac ku yimid jadwalkii horey loo soo saaray.

Qorshaha ayaa ahaa in maanta oo ay tahay 1-da bisha November ee sanadkan 2020-ka si rasmi ah loo guda galo soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, balse ma dhicin, waxaana ku yimid dib u dhac aan la ogeyn waxa sababay.

Sidoo kale waxaa weli aan la magacaabin guddiyada doorashooyinka oo lagu ballamay in la shaaciyo 10-20-ka bishii dhammaatay ee Ocotober, inkastoo ay madaxda maamul goboleedyada soo dhammeystireen xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka dalka.

Arrintan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la filayo in doorashada guddoonka labada Aqal iyo tan maadaxweynaha ay dhcado 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo ee sanadka 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this