Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska DANAB oo hawlgal qorshaysan ku burburiyay saldhiyo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa laga soo xigtay in ay hawlgal qorshaysan ku burburiyeen fariisimo dhawr ah oo Al-shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka laga fuliyay degaanka Leego oo qiyaastii 44KM dhanka waqooyi ka xiga degamada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo lagu burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen.

Ciidanka hawlgalka fuliyay ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mootooyin ay Al-shabaab ku urursadeen halkaas oo ay u isticmaali jireen miinooyink iyo waxyaabaha qarxa.

Kumaandooska DANAB ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya waxay muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadeen degaanno kala duwan oo ka tirsan Shabeellada Hoose. 

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska DANAB oo hawlgal qorshaysan ku burburiyay saldhiyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this