Sign in to follow this  
Deeq A.

Atoorihii Caanka Ahaa Ee Sean Connery Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Edinburgh)-Sean Connery ayaa ahaa 90 jir, wuxuuna kamid noqday atoorayaashii ugu caansanaa caalamka isagoo si weyn loogu xasuusto filimaantii uu kusoo caanbaxay ee (James Bond).

Sir.Connery ayaa kasoo jeeday qoys sabool ah oo ku noolaa magaalada Edinburgh ee ismaamulka Scotland, wuxuuna sidoo kale soo noqday askari, kahor in aanu noqon atoore. Sean Connery ayaa joojiyey jilitaanka sannadkii 2003.

Filimkii ugu horreeyey ee James Bond ee uu atooraha ka noqday ayaa ahaa “Dr. No” oo lasoo saaray sannadkii 1962.

Wuxuuna kamid ahaa dadka sida weyn ugu ololeeya in Scotland noqoto dowlad madax-bannaan, wuxuuna si weyn ugu faani jiray qabiilka uu kasoo jeedo ee loo yaqaan MacLeod clan.

Wasiirka Kowaad ee ismaamulka Scotland Mrs. Nicoal Sturgeon ayaa ka tacsiyeysay geerida Connery.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this