Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla Dalka Kenya Oo Xabsi Adag Ku Ridey Rag Lala Xidhiidhiyay Weerarkii Westgate

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Garsooraha maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ku xukuntay laba qof xabsi dheer oo 18 sanno iyo 33 sanno ah kadib markii lagu helay inay gacan ka geysteen weerarkii lagu qaaday Xaruntii ganacsiga ee Westgate sanadkii 2013.

Maxamed Axmed Cabdi ayay maxkamadu ku xukuntay 33 sanno halka Xuseen Xasan Mustafa ay maxkamadu gadhka u gelisay 18 sanno oo xadhig ah.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku geeriyadooy weerarkan ay Alshabaab ku qaadeen Westgate.
Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in afar qof ee weerarka soo qaaday laga helay meydkooda burburka xarunta Westgate.

Nin saddexaad oo lagu waayay dambiga Liibaan Cabdulaahi ayaa la sii daayay kadib markii dambi lagu waayay hase yeeshee tan iyo markii laga sii daayay xabsiga ayaa rag hubeysan ay qafaasheen iyadoo illaa iyo hadda la la’ yahay halka uu ku dambeeyay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this