Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Waaaare Abiy Ahmed Oo Billaabay Qorshe Uu Kusoo Dhaweynayo Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal waaaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa billaabay qorshooyin uu kusoo dhaweynayo Soomaalida ku nool dalkaas, xilli Itoobiya la filayo inay doorashooyin ka dhacaan sannadka soo socda.

Raysal Wasaare Abiy ayaa shalay magaalada Godey ka daah furay mashruuc lagu dhisaayo wado muhiim ah oo gaadhayso 300 KMG.

Mashruucaan oo ku baxayaa lacag dhan 6 Billion Birr ayaa waxaa lagu dhisayaa wadDooyinka Gode-Kelofo Lot-1, Gode-Hargele Lot iyo Yale-Dana Lot-3. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u baddali doonaan mid horumar leh oo lagu tiirsado.

Waddooyinkaan cusub ayaa waxay bulshada u sahli doontaa isku xidhka ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada.

Munaasabadii furitaanka ayaa waxaa Ra’iisal wasaare Abiy kala soo qeybgalay ku-xigeenkiisa Demeke Mekonnen, madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar, madaxweynaha ismaamulka Oromiya Shimelis Abdisa iyo xubno kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this