Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadaad Caan ah una dhashay Dalka Faransiiska oo Magangalyo weydiistay Madaxweyne Erdogan+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadaad Caan ah una dhashay Dalka Faransiiska oo Magangalyo weydiistay Madaxweyne Erdogan+Sababta

Muslimiinta kunool dalka Faransiiska ayaa xiligan la kulmaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlada iyo dadka kale ee cunsiriyiinta ah, kadib markii Faransiiska ka dhaceen weeraro lagu dilay muwaadiniin dalkaasi u dhashay.

Ciidamada amaanka ee dalka Faransiiska ayaa dhawaan xidhxidhay dad badan oo muslmiin ah oo lagu eedeeyay in ay taageereen falal argagaxiso iyo sidoo kale kuwa loo xidhay tuhuno kadib dilkii loo geestay Macalin Faransiis ah oo ku xadgudbay diinta Islaamka.

Dadka ay xidheen Booliiska Faransiiska waxaa ku jiray Idriss Sihamedi oo kamid ah hogaamiyaasha muslimiinta ugu caansan ee kunool dalka Faransiiska, wadaadkan ayaana markii dambe xabsiga laga soo daayay iyadoona la xidhay Hay’ad uu madax ka ahaa.

IDRIS.jpg

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in albaabada la isugu dhuftay hay’adda BarakaCity uu gudoomiye ka ahaa Idriss Sihamedi, waxa uuna sheegay in go’aankaasi lagu gaadhay shir golaha Wasiirada yeesheen.

Idriss Sihamedi, ayaa qoraal uu soo saaray kaga dalbaday Madaxweynaha dalka Turkiga Rajebv Dayib Erdogan in magan galyo siiyaan isaga iyo xubnaha kale ee kamidka ahaa Hay’adiisa BarakaCity.

” Waxaa jeclaan lahaa in aniga iyo shaqaalahayga(BarakaCity) inaan magangalyo weydiisano Turkiga maxaa yeelay waxaan dareemaya inaan ku badqabi karin gudaha Faransiiska”, ayuu ku soo qoray bartiisa Twitterka isagoo adeegsanaya luuqadda Turkiga.”

Codsigan kasoo baxay Hogaamiyahan katirsanaa Mislimiinta Faransiiskla ayaa kusoo beegmaya xili uu meel xun gaadhay xidhiidhka u dhaxeeya  Faransiiska iyo Turkiga, kadib markii Dowlada Faransiiska ku xadgudubtay Diinta Islaamka una geftay Nabi Maxamed NNKH.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this