Sign in to follow this  
Deeq A.

UN-ka: Al-shabaab Waxay Adeegsataa Hoobiyeyaal Lagu Sameeyey Waqooyiga Kuuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Khubaro ka tirsan UN-ka oo warbixin hordhigay golaha ammaanka ee golahan ayaa ku sheegay in Al-shabaab ay ku duqeeyeen xarunta UN-ka ee Muqdisho hoobiyeyaal lagu sameeyey waqooyiga Kuuriya.

Khubarada ayaa intaasi ku daraya in ay dhici karto xiriir ka dhaceeya labada dhinac. Al-shabaab ay 6 hoobiye oo kala gaar ah ku tuurtay xarunta UN-ka ee Muqdisho inta u dhaxeysay February iyo May.

“2 aan qarxin 60-mm ayaa la helay kadib weerarkii 17 February 2020. Midka 60-mm HE nooca 63 ee hoobiyaha waxaa lagu sameeyey waqooyiga Kuuriya”.

June, Mareykanka ayaa sheegay in waqooyiga Kuuriya ay guuldareysatay iney sharaxdo xiriirkeeda kala dhaxeeya kooxaha xagjirka ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this