Deeq A. Posted October 31, 2020 Waxaa goordhow magaalada Jowhar lagu dhaariyey xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, kuwaas oo dhowaan lasoo xulay. Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Shabeellada dhexe Cali Nuur Cabdi ayaa dhaariyey xildhibaannada, waxaana tiradoodu ay gaareysaa 90 xildhibaan. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoonka Baarlamaanka, maadaama lagu dhawaaqay guddiga qabashada doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites