Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: HirShabelle oo maanta shaacisay guddi doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanad labaad ee baarlamaanka HirShabelle ayaa maanta la dhaariyey, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb-galay munaasabadda dhaarinta oo aheyd mid kooban.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa iska dhex doortay guddoomiye KMG oo ay u doorteen inuu noqdo Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah ninka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub.

Guddoomiyaha guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulka HirShabelle, Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa ku dhowaaqay natiijada codeynta, kadibna waxaa hadalka qaatay oo soo dhoweeyey guddoomiyaha la doortay ee Barqadle.

Dhinaca guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka HirShabelle ayaa shaaciyey guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi oo ka kooban illaa 9 xubbnood.

Guddigan oo xildhibaano ah ayaa ka shaqeyn doono doorashada guddoonka oo lagu wado inay maalmaha soo socota ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

HirShabelle ayaa wajaheysa marxalad adag oo kala guur ah, waxaana dhowaan dhaceysa doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo haatan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

123322279_643513393004311_314685645241655191_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this