Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil geystay khasaare oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaare dhaliyey oo maanta ka dhacay isgoyska Baar Ayaan ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Shilkan ayaa yimid sida ay Shabelle ay u sheegeen goobjoogayaal ka gadaal markii gaari iska roga ah uu dulmaray mooto Bajaaj ay la socdeen laba ruux iyo darawalkii waday.

Dhaawacyo ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen labadii ruux ee saarnaa mootada, iyadoo goobta uu ka baxsaday darawalkii kaxeynaayey gaariga iska rogaha ah.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ku socday xawaare sare, taasi oo keentay inuu xakameen kari waayo wadaha.

Ciidamo katirsan Booliiska ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay kuwaasi oo baaritaano ku aadan, sida uu shilka u dhacay ka bilaabay halkaasi.

Darawallada kaxeeya gaadiidka ayaa inta badan la tilmaamaa in aysan iska xil saarin wadista gaadiidka, taasi oo keentay in shilalka ay ku soo bataan magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this