Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo Kuuriyada Waqooyi ku eedeysay in ay taageerto Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin uu soo saaray guddi ka tirsan QM  ayaa lagu sheegay inuu jiro tuhun soo baxaya oo la xiriira in Kuuriyada Waqooyi ay Al-Shabaab siiso taageero dhinaca hubka ah.

Qaramada Mioobay ayaa sheegtay in hoobiyeyaal ay Al-Shabaab horraantii sanadkan ku weerareen xerada Xalane uu u muuqdo mid lagu farsameeyey dalka Kuuriyada Waqooyi.

“Waxaa suuragal ah in uu jiro heshiis dhinaca hubka oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dowladda Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay

Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa illaa iyo lix madfac oo hoobiyayaal ahaa ku tuuray garoonka Aadan Cadde, intii u dhexeysay bilihii February iyo May ee sanadkan.

Midka ka mid ahaa madaafiicdaasi oo ahaa afar oo noocoodu  ahaa hoobiye 60 MM ayaa waxaa uu ku dhacay jihada QM ay ka degan tahay garoonka 17-kii bishii February.

Sodoo kale waxaa baaritaan lagu sameeyay madaafiicdaasi soo baxday in uu jiray xiriir dhinaca hubka ah oo Kuuriyada Waqooyi ay la leedahay Al-Shabaab.

Waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horey Kuuriyada Waqooyi ugu eedeysay in ay taageero siiso argagixisada caalamiga ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this