Sign in to follow this  
Deeq A.

Nairobi: Xukunno adag oo lagu riday Soomaali ku lug-yeeshay Weerarkii Westgate Mall

Recommended Posts

Deeq A.   
Westgate.jpg?resize=640%2C360&ssl=1

Maxkamad ku yaalla dalka Kenya, ayaa Jimcihii shalay xukunno kala duwan ku ridday, laba eedaysane oo loo haysto in ay door ku lahaayeen weerarkii 2013-kii lagu qaaday xarunta loo yaqaan Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Labada eedaysane, ayaa lagu helay in ay weerarkii Westgate Mall ku gacan-siiyeen dabley ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo mudda afar maalmood ah haystay dhismaha, islamarkaana ku dilay 67 qof oo Rayid ah.

Maxamed Axmed Cabdi, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 33 sano oo xarig ah, Xusseen Xassan Mustafa lagu riday 18 sano oo xabsiya, sida uu shaaciyay Garsooraha Maxakamadda Francis Andayi.

Sidoo kale, Waxaan weli la ogayn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad, Liibaan Cabdullah Cumar, oo horraantii bishan October ay maxkamaddu ku weysay wax dambi ah. Liibaan ayaa waxaa kaxaysatay dabley hubeysan oo aan la aqqoonsan.

Dhammaan saddexda eedeysane ayaa isirkoodu yahay Soomaali, iyadoo laba ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah.

PUNTLAND POST

The post Nairobi: Xukunno adag oo lagu riday Soomaali ku lug-yeeshay Weerarkii Westgate Mall appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this